Monday 20 November, 2017

Rasmi: Wakhatiga Uu Yerry Mina Ku Biiri Doono Barcelona Oo La Ogaaday Wakiilkiisa Ayaa Xaqiijiyay

Xiddiga wakhtiga dheer diirada u saarnaa kooxda Barcelona ee Yerry Mina ayaa la ogaaday wakhtiga uu Sida Rasmiga ah ugu biiri doono kooxda Barcelona.

Wakiilka xiddigan reer colombai oo lagu magacaabo Felipe Russo ayaa si Rasmi ah u sheegay in uu 22 jirkan uu Camp Nou ku soo biiri doono sanadka 2018.

Xiddigan oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee ka ciyaara daafaca dhexe ayaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxda Inter Milan oo doonaysa adeegiisa.

“Yerry Mina waxa uu joogaa haatan Brazil laakiin waxa uu 2018 ka ciyaari doonaa horyaalka La Liga waayo haatan waa laga heshiiyay xiddigan”ayuu Russo u sheegay FC Inter News (via Ansa).

“waxa isaga u fiican ayaa haatan ah in uu ku sii sugnaado Palmeiras hal xilli ciyaareed oo kale waxana uu u diyaar garoobi karaa koobka adduunka laakiin waxa aan hubaa in ayna waxba iska badalay in uu xiddigan ku biiri doono sanadka 2018”

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: