Rasmi: Roma Oo Niyada Ka Jabisay Kooxaha Chelsea,Inter Iyo Man United Nainggolan Ayay War Cusub Ka Soo Saareen

Madaxweynaha kooxda Roma Jim Pallotta ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Roma heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Belguim ee Radja Nainggolan.

Xiddigan reer Belguim iyo wakiilkiisa ayaa 40 daqiiqo la qaatay agaasimaha kooxda Roma xalay ka hor intii ayna hudheelka ka soo bixin iyaga oo dhoola cadaynaya.

Kadib mar wax laga weydiiyay heshiiska cusub ee xiddigan ayuu yiri”haa waa la dhameeyay”

Heshiiska cusub ee xiddigan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda si Rasmi ah loo shaacin doono iyada oo uu warkan u xun yahay kooxaha man United iyo chelsea oo xiddigan diirada u saaranyaha.

Xiddigan ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu kooxda kula joogi doono ilaa sanadka 2021 isaga oo todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doono lacag dhan 4 Milyan sanadkii.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: