Rasmi: Madaxweynaha Kooxda Inter Milan Oo Iska Casilay Shaqada Inter Milan Iyo Sababta Ka Dambaysay

Madaxwynaha kooxda Inter Milan Erick Thohir ayaa xaqiijiyay in uu iska casili doono shaqada Madaxweynenimo ee kooxda Inter Milan isaga oo sidoo kale amaanay shaqaday ay shirkada Suning Group ka hayso kooxda Inter Milan.

Thohir ayaa madaxweynaha kooxda Inter Milan loo doortay kadib markii ay kooxda Suning Group la wareegtay maamulka kooxda Inter Milan laakiin ganacsadahan ayaa qirtay in aanu wakhti u hayn kooxda Inter isaga oo dalka Indonesia Ka caawinaya tartanka Asia ee 2018.

Madaxweyne Thohir ayaa sheegay dareenkiisa ku aadan in aanu ka sii mid ahaanin maamulka kooxda Inter Milan wakhtiga soo socda.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

“Ciyaaraha asia ayaa igu qasabay in aan ka tago doorkayga ayaan ka hayay kooxda Inter Milan”ayuu u sheegay Tempo.

“waxa aan caado u lahaa in aan bil kasta gaaro Milan laakiin haatan wakhtigii ugu dambaysay ee aan Milan tagay waxa ay ahayd bishii April sidaa darteed waxa aan codsaday in aan ka tago Inter”

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: