PSG Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Kylian Mpabbe Si Ay Ugu Garaacaan Real Iyo Arsenal

Kooxda PSG ayaa sare u qaaday hamigeeda ay ku helayso saxiixa da’yarka yurub looga waalanayo ee Kylian Mpabbe iyadaa oo kulan wax ku ool ah la yeelatay aabaha dhalay wiilkan.

Mudooyinkii u dambeeyay Mpabbe ayaa suuqa si ba’an u haystay isaga oo lala xidhiidhinayay kooxaha ugu waawayn yurub oo ay kamid yihiin Real Madrid,Arsenal iyo PSG.

Macalinka PSG ee Unai Emery iyo Madaxwaynaha kooxdaas ee Nasser El-khellaifi ayaa lakulamay aabaha wiilkaas oo lagu magacaabo Wilfred Mpabbe si ay wax uga waydiiyaan suuro galnimada lagu heli karo wiilkiisa.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

18 jirkan ayaa sida duufaanta u qabsaday kubada cagta yurub qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii hore isaga oo adeegiisa lagu qiimeeyo 100 ilaa 130 milyan inta u dhaxaysa.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: