Tuesday 21 November, 2017

Man United Oo Dalabkii Ugu Dambeeyay Miiska U Saari Doonta Tottenham Si Ay Uga Helaan Eric Dier Laakiin Hal Arin Ayay Ka Cabsi Qabaan

Kooxda Man United ayaa dalabkii ugu dambeeyay ka gudbinaysa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ee Eric Dier.

United ayaa markan u diraysa dalab dhan 60 Milyan ah oo ay ku doonaysa in ay xiddigan reer England ku soo xero galiso inta lagu guda jiro xagaagan.

Laakiin Man United ayaa ka cabis qabta in rajadooda helitaanka xiddigan ay suuro gali weydo maadama kooxda Spurs ku dhagantahay xiddigan.

Jose Mourinho ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa kadib markii uu arkay kooxdiisa oo kaalinta 6-aad kaga dhamaysatay horyaalka Premier league.

Man United ayaa xiddigan da,yarka ah u aragta badalka ugu fiican ee xiddiga khadka dhexe ee Michael Carrick oo da, sii noqonaya.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: