Tuesday 21 November, 2017

Man City Oo Horyaalka Premier League Ku Soo Celinaysa Goolhaye Liverpool U Soo Ciyaaray

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay horyaalka Premier league ku soo celinayso Goolhayihii hore ee kooxda Liverpool ee Pepe Reina sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Napoli ayaa heshiis cusub u soo bandhigtay goolhayahan 34 jirka ah iyaga oo doonaya in ay kooxda ku sii hayaan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay.

Laakiin xiddigan iyo madaxweynaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurnetiis ayuu ka dhexeeyaa xiriir aan fiicnayn waxana la filayaa in uu diido heshiiska cusub.

Si kasta ha haatee idaacada Radio Crc ayaa sheegaysa in ay kooxda Man City doonayso goolhaye Reina si ay badal uga dhigto goolhayaha Braro oo la filayo in uu kooxda ka tago.

Man City ayaa la sheegayaa in ay 34 jirkan ku doonayso lacag dhan 2.6 Milyan euro halka kooxda Napoli dalbanayso lacag dhan 5 Milyan oo euro.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: