Lucas Leiva Oo Soo Gaaray Magaalada Roma Si Uu U Dhamaystiro Ku Biiristiisa Kooxda Lazio

Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Brazil iyo Kooxda Liverpool ee Lucas Leiva ayaa soo gaaray caasimada Italy ee Roma si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Lazio.

Lucas Leiva ayaa kooxda ka dhisan caasimada ugu biiri doona lacag dhan 5.5 Milyan euro xiddigan oo saxaafada la hadlay markii uu madaarka soo gaaray ayaa yiri”Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan yimaado. Forza Lazio!”

Xiddiga reer Brazil ayaa fiidnimadii soo gaaray madaarka Fiumicino Airport waxana soo dhaweeyay taageerayaal badan oo dabaal degaya.

Lucas ayaa qoorta ku watay maro ku sawirantahay calaamada kooxda uu ku biiri Lazio xilli xiddigan maalinta bari ah tijaabada caafimaadka u mari doono kooxdiisa cusub.

30 jirkan reer Brazil ayaa ah badalka Lucas Biglia oo saacadihii la soo dhaafay si Rasmi ah ugu biiray kooxda Ac Milan isaga oo ugu biiray lacag dhan 17.3 Milyan eeuro.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: