Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalab Aad U Sareeya, Xiddig Klopp Bartilmaameed U Ah Ayay Ka Dudbinayaan

Kooxda Liverpool ayaa diyaar u ah in ay dalab dhan 60 Milyan ka gudbiso xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Southampton iyo xulka qaranka Holland ee Virgil van Dijk sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

26 jirkan reer Holland oo ah bartilmaameedka koobaad ee tababare klopp ee xagaagan ayaa si weyn loola xiriirinayay Reds ka hor inta ayna Raali galinta bixin isagana harin baacsiga xiddigan.

Laakiin xiddigan reer Holland ayaa kooxdiisa U sheegay in uu doonayo in uu xagaagan ku biiro kooxda Reds si uu ugu ciyaaro champions league xilli ciyaareedka dambe.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in xiddigan uu warqad codsi ah oo uu kooxdiisa uga codanayo in Reds laga iibiyo u diray taas oo sabab u noqotay in Liverpool diyaariso dalab fiican oo ay xiddigan ku doonayso.

Klopp ayaa doonaya in uu xiddigan ka dhigo daafaca ugu qaalisan abid suuqa kala iibsiga isaga oo diyaar la ah in uu miiska saaro lacag dhan 60 Milyan oo euro.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: