Kooxda Juventus Oo Xiriir Toos Ah La Samaysay Dhigooda Roma, Xiddig Suuqa Looga Waalanayo Ayay Ka Waraysteen

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay Kooxda Roma la qaadatay kulan ay uga doonayso saxixa xiddiga daafaca uga ciyaara xulka qaranka Greek ee Kostas Manolas.

Juventus ayaa ku raad joogta daafaca dhexe kadib markii ay si lama filaan ah daafaceeda Leonardo Bonucci uga iibisay kooxda Ac Milan.

Wargayska La Reppublica ayaa sheegaya in agaasimaha kooxda Juventus ee Beppe Marotta uu xiriir toos ah la sameeyay kooxda Roma si uu ugala hadlo saxiixa Kostas Manolas.

Warka ayaa sheegaya in Agaasimaha Roma ee Monchi uu dhigiisa Juventus u sheegay in ay heli karaan xiddigan kaliya hadii ay miiska saaraan lacag dhan 40 Milyan oo euro.

Kostas Manolas oo 26 jir ah ayaa kooxda Roma jooga tan iyo 2014 isaga oo ay haatan heshiiskiisa uga harsanyihiin laba sano oo kale.

Xiddigan heerka caalami ayaa bilowgii xagaaga qarka u fuulay in uu ku biiro kooxda reer Russia ee Zenit St Petersburg ka hor inta ay kooxda iyo xiddigu isku af garan waayeen heshiiska shaqsiga ah.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: