Kooxda Bayern Munich Oo Man City U Furtay Wadadii Ay Ku Heli Lahayd Alexis Sanchez

Kooxda Bayern Munich ayaa dhigeeda Man City u furtay wadadii ay ku heli lahayd saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal iyo xulka qaranka Chile ee Alexis Sanchez.

Bayern Munich ayaa isaga hartay baacsiga ay ugu jirtay saxiix xiddiga reer chile xilli kaliya man City u banaantahay in uu ku biiro xagaagan.

Xiddigan reer chile ayaa lala xiriirinayay kooxda Bayern Munich kadib markii uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiio kooxdiisa.

Tababaraha kooxda Bayern Munich ayaa xitaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu la shaqeeyo xiddiga reer chile laakiin mushaharkiisa waalida ah uu ka hor istaagayo in uu ku biiro kooxda reer Germany.

Si kasta ha ahaatee Agaasimaha guud ee kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa haatan xaqiijiyay in ay gabi ahaanba isaga hareen baacsiga xiddigan.

“ma garan karo waxa uu sanchez uu yiri laakiin anagu gabi ahaanba kuma jirno loolanka loogu jiro saxiixa sanchez”ayuu yiri Rummenigge.

“waxa aanu heshiis la galnay tababaraha Carlo Ancelotti suuqa wax weeraryahan oo kale kalama soo wareegayno taasina wax macno ah ma samaynayso””

Go,aanka kooxda Bayern Munich ayaa albaabka u furaysa kooxda Man City oo baacsiga xiddigan kali ku noqonaysa taas oo ka caawin karta in ay hesho ugu dambayn saxiixa xiddigan

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: