Koox Premier League Ah Oo Xiddiga Atletico Madrid Ee Yannick Carrasco U Soo Bandhigtay Heshiis 5 Sano Ah Waa Sidee Fursadooda Ay Ku Heli Karaan

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in kooxda hanatay horyaalka Premier league ee chelsea ay dalab geesnimo leh ula tagtay kooxda Atletico Madrid iyada oo ka doonaysa  xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Belguim iyo kooxda Atletico Madrid ee Yannick Carrasco.

Wargayska ayaa sidoo kale sheegaya in kooxda chelsea xiddigan miiska u saartay dalab 5 sano ah si xiddigan ugu dhaqaajiso Stamford Bridge xagaagan.

Kooxda Tababare Antonio Conte ayaa la rumaysan yahay in ay diyaar u yihiin in ay xiddigan u laba jibaaraan mushahar uu haatan ka qaato kooxda Atletico Madrid oo dhan 32 kun oo Gini si ay xiddigan ugu qanciso in uu u dhaqaaqo horyaalka Premier league.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah in ayna Kooxda Atletic Madrid sii dayn doonin xiddigan maadama ay ku jirto ganaax dhanka suuqa kala iibsiga ah oo ay ku jiri doonto ilaa january 2018.

Si kasta ha ahaatee Kooxda chelsea ayaa ku kalnsoon in ay xiddigan heli karaan suuqa kala iibsiga January iyaga oo doonaya in ay xiddiga heshiis la meel dhigaan ka bisha January.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: