Tuesday 21 November, 2017

Kadib Markii Ay Ku Fashilantay Saxiixa Marco Verratti Barcelona Oo Isku Diyaarinaysa In Ay Gacanta Ku Soo Dhigto Xiddig Premier League Jooga Maha Ahan Coutinho Iyo Herrera

Wararka ka imanaya spain ayaa sheegaya in Kooxda Barcelona bartilaameedka koobaad ka dhigatay xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ee Dele Alli kadib markii ay ku adkaatay in ay helaan saxiixa xiddiga reer Italy ee Marco Verrati.

Barcelona oo si xoog ah u xiisanaysay xiddiga khadka dhexe ee reer Italy ayay ku adkaatay in ay hesho saxiixiisa maadama ay kooxda PSG iska diiday dalab kasta oo ay Barcelona miiska saarto.

Tababare Ernesto Valverde ayaa isku diyaarinayo in uu u dhaqaaqo xiddigo kale oo uu badal uga dhigo xiddigan waxana uu haatan isku diyaarinayaa in uu u dhaqaaqo xiddiga khadka dhexe ee Dele Alli oo qaab ciyaareed fiican ku jira.

21 jirkan oo xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ayuu tababare Valverde u arkaa xiddig si fiican ugu soo bixi kara kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in ay Kooxda Barcelona dalab Rasmi ah miiska u saari doonto kooxda Tottenham maalmaha soo socda inkasta oo aan la shaacin dalabka ay u diri doonto xiddigan reer England.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: