Jose Mourinho Oo Tababare Klopp Inkaarsanaya Xiddig Uu U Waalanayo Ayuu Ka Afduubayaa

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka inkaarsanayso kooxda Liverpool iyada oo doonaysa in ay ka hor qaado xiddig ay maalmahan u waalanaysay kooxda Liverpool.

United ayaa la sheegayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Naby Keita kaas oo ay Liverpool ku raad joogto saxiixiisa.

Liverpool ayaa si xoogan u doonaysa saxiixa xiddigan laakiin kooxda RB Leipzig ayaa dalabkii ugu horeeyay ka soo diiday Reds iyada oo ku adkaysanaysa in ayna iibinayn xiddigan.

Reds ayaa la sheegayaa in ay todobaadkan xiddiga ka gudbin doonto dalab cusub oo dhan 65 Milyan oo euro si ay saxiixa xiddigan u soo afjarto.

Laakiin wararka haatan la helayo ayaa sheegaya in ay man United ay ku soo biirtay baacsiga xiddigan aadka loo qiimeeyo ee khadka dhexe.

Sida ay sheegayaan wararku tababare Mourinho ayaa xiddigan ku darsaday liiska xiddigaha khadka dhexe ee uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xagaagan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: