Warbixin: Saddex Boos Oo Ay Barcelona U Baantahay In Ay Iska Xoojiso Xagaagaan Si Ay Noqoto Koox Isku Dheeli Tiran.

Kooxda Barcelona sanadkii dhamaaday waxa loo diiwaan galiyay in uu ahaa mid ka mida kuwii ugu xumaa sanadahii ugu dambeeyay, marka loo eego guulaha ay ka gaadheen koobabkii caalamiga ahaa ee ay ku tartameen, kaliya waxa ay ku guulaysteen koobka loo yaqaano Copa Del-Rey kaas oo u noqday koob ka badbaadiyay xili ciyaareed koob la’aan ah.

Haddii aynu fiirino guul darooyinkii ugu xanuunka badnaa ee soo gaadhay waxaa ka mid ahaa in ay horyaalka Laliga waayen kulamadii ugu dambeeyay xilli ciyaareedka, si lamid ah waxaa af kala qaad ku noqotay Taageerayaasha kooxda guuldarii 4-0 ka ahayd ee kasoo gaadhay kooxda PSG in kastoo ay natiijada xaga kale u rogeen kadib markii ay sameeyeen soo laabashadii cajiibka ahayd ee ay kaga yaabsadeen dunida iyagoo 6 gool ku dhaliyay garoonkooda Camp Nou.

Sheekadu wey sii socotay oo Barcelona waxa hadana guuldarro kale oo xanuun badan dhabarka u saartay kooxda Juventus ka dib markii ay 3-0 ugu soo xambaariyeen garoonka Torino, guuldarooyinkaa ay ku lamaanyihiin goolashan tirada badani waxa ay indhaha caalamka tuseen in ay Barcelona noqotay koox aan isku dheeli tirneyn oo miisaankeedu dhinac uu u janjeedho.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Hadaba waxa la gaadhay xilligii kooxda Barcelona ee uu hogaaminayo Erenso Valverdi lagu samayn lahaa isku habayn iyo in la buuxiyo boosaska qaar si ay Barcelona usoo celiso ruuxdii ay lahayd, si fiicana ugu diyaar noqoto xili ciyaareedka dhawaan furmi doona.

Khubarada ciyaaraha ka faaloodaa waxa ay isku raaceen in ay Barcelona u baahantahy in ay kaliya Saddex god dalool oo laga arkay xili ciyaareedkii dhamaaday ay cid ku haboon u raadiso waxa ayna kooxda.com ku soo koobeysaa arimahaan.

1-Booska difaaca bidix:

Hector Bellerin waxa uu ugu horaay xiddigaha ay Barcelona doonayana

Khalad cadaan ah ayay ahayd in ay fasaxday sanadkii hore Dani Alves,

Maamulka kooxduna aad ayuu uga murugooday go`aankii albaabka looga furay Dani Alves,Iyadoo aan la helin ciyaartoy leh tayadii uu lahaa wiilkaas reer brazil.
Sergio Robot in kaste oo uu sameeyay dedaal wax ku ool ah hadana ma uu gaadhin wax qabadkii uu qaban jiray Dani Alves.
Sida loo badinayo waxa la filayaa in kooxda Barcelona ay xal u heli doonto booskaas ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyadoo aad loola xidhiidhinayo wiilka reer Arsenal ee Hector Bellerin.

2-Booska difaaca dhexe:

Davinson Sanchez Barcelona si weyn ayay u doonayaaan

 

Inkaste oo ay haysteen illaa Shan nin oo difaac ah oo kala ah: Pique, Macherano, Umtiti, Thomas Varmalen ,Mathieu , hadana ma ahayn kuwo ka soo baxay shaqadii loo igmaday xilli ciyaareedkii ina dhaafay, Mar kaste waxa la dareemayay in khal-khal ka dhex jiro difaacooda ha ugu darnaato qaladaadkii faraha badnaa ee uu sameeyay Mathieu, waxa isna la dareemayaa in Mascherano uu hoos u dhac ku yimi qaab ciyaareedkiisii dagaalka ku dhisnaa.

si kasteba waxa la filayaa in kooxda Barcelona ay deydayato difaac dhexe oo bir ah.

3-Booska khadka dhexe:

Marco Verratti waa ay u dhaw yihiin saxiixiisa

kooxda Barcelona waxa la isla wada ogyahay in ay tahay koox ka shaqaysa ama dheesheedu u badan tahay khadka dhexe, waxaana indhaha laga qabsan kareyn in ay guulihii is daba jooga ahaa ee sanadadii ugu dambeeyay ay ka dambeeyeen ciyaartoyda khadka dhexe.

Xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay waxa curyaamiyay qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee Andres Iniesta dhaawacyo soo noqnoqday, halka Sergio Busquets ay kusoo baxday da’dii, Ivan Rakitic isna ma uu soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga sugayey.

Guuldarooyinkii kasoo gaadhay Juve iyo PSG waxa masuuliyadeeda kow ka ahaa qaladadii ay sameeyeen nimanka dhexda taagani.

Hadaba si xal loogu helo dhibaatada dhexda ka taagan waa in ay Barcelona u tafo xaydataa sidii ay u heli lahyd dagaalyahanka Kooxda PSG ee Marco Verrati.

WQ: Caydrous Gaapoush

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: