Saturday 25 November, 2017

DEG-DEG: Sky Sports Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xiisaha Chelsea Ee Sergio Aguero Maxa Soo Kordhay?

Shabakada caalamiga ah ee Sky Sports ayaa ka hadashay warar sheegaya in ay kooxda chelsea xiiso u qabto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero.

Chelsea ayaa la sheegayaa in ay xiiso waali ah u qabto saxiixa xiddigan reer Argentine xilli ay raadinayso weeraryahan ay ku badasho Diego Costa oo kooxda ka sii socda.

Kadib markii ay Lukaku u weyday kooxda Man United Chelsea ayaa dareenkeeda u jeedisay weeraryahanada Alvaro Morata,Pierre-Emerick Aubameyang,Andrea Belotti iyo Sergio Aguero.

Sky sports ayaa fahamsan in ay kooxda chelsea ku adkaan doonto in ay hesho saxiixa Sergio Aguero maadama ay kooxda Citizen diidayso in ay iibiso xiddigan.

Tan iyo markii ay kooxda la wareegeen maal qabeenada reer Carbeed ee Abu Dhabi United Group city ayaan iibin xiddig aan doonayn in uu kooxda ka tago.

Si kasta ha ahaatee Kooxda chelsea ayaa Sergio Aguero u aragta xiddiga ugu munaasibsan ee Diego Costa ka badali kara weerarka kooxda Blues.

Share on Facebook

Comments

comments

One Response to "DEG-DEG: Sky Sports Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xiisaha Chelsea Ee Sergio Aguero Maxa Soo Kordhay?"

  1. isko yare says:

    hakenin aguero Aumumiyang

Leave a Reply

Submit Comment