Saturday 25 November, 2017

DEG-DEG: Roma Oo Si Rasmi Ah U Xaqiijisay Shaqada Cusub Ee Uu Totti Ka Qaban Doono Kooxda

Kooxda Roma ayaa xaqiijisay in ay halyeeygeeda reer Italy ee Francesco Totti ay shaqo cusub uga magacawday kadib markii uu ciyaaraha ka fariistay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Roma ayaa Francesco Totti u magacowday Agaasimaha cusub ee kooxda Roma waxana uu yiri markii loo magacaabay xilka cusub ee kooxda”qaybtaydii kubada cagta waa ay dhamaatay”

Totti ayaa kulankiisii ugu dambeeeyay ee kooxda Roma u ciyaaray 28 bishii may ee sanadkan isaga oo saftay kulankiisii 786-aad ee kooxda Roma.

“waxa an doonayaa in aan bilaabo xirfadayda cusub”ayuu tottin u sheegay waraysi uu la yeeshay tv-ga kooxda.

“28 may waxa ay ahayd maalin taariikhi ah taas oo saamayn weyn igu yeelatay,waana maalin markasta ku jiri doonta qalbigayga,way adagtay in aan sharaxo dareenkii aan dareemay maalintaa”

“qaybtaydii ciyaarista kubada cagta waa ay dhamaatay, aatan waxa aan bilaabay shaqo kale oo muhiim ah oo ah agaasimaha waxanan rajaynayaa in aan qabto wax ka fiican wixii aan qabatay markii aan ciyaaryay”

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment