DEG-DEG: Nolito Oo Isaga Baxsaday Kaydka Man City, Koox Spain Ah Ayuu Ku Biiray

Kooxda Sevilla ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa weeraryahanka xulka qaranka Spain ee Nolito oo ay kala soo wareegtay kooxda man City.

Xiddigan reer Spain oo dib ugu soo laabtay horyaalka La Liga ayaa kooxda Sevilla u saxiixay heshiis saddex sano ah oo uu kula joogi doono kooxda.

Nolito oo 30 jir ah ayaa saaka ku baasay Tijaabada caafimaadka ka hor inta uuna qalinka ku duugay heshiika uu ugu biiray kooxda Sevilla.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Xiddigan ayaa saaxiibadiisa cusub ee kooxda Sevilla kula biiri doona safarkooda ay ku joogaan Osaka, Japan ee ay ku qaadanayaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Nolito oo xilli ciyaareedkii hore ka tagay Kooxda Celta Vigo ayaa hal xilli ciyaareed oo aan fiicnayn ku soo qaatay kooxda Man city.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: