DEG-DEG: Man United Oo Ku Dhawaaqday In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Goolhaye Wacdaro Dhigay Xilli Ciyaareedkii Hore

Kooxda Man United ayaa Si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub ku abaalmarisay Goolhayeheeda xulka qaranka Argentine ee Sergio Romero.

Goolhayahan reer Argentine ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxda Man United ku sii hayn doona ilaa bisha june sanadka 2021.

30 jirkan oo kooxda Man United kaga soo biiray kooxda Sampdoria sanadkii 2015 ayaa kooxda u saftay 28 kulan isaga oo inta badan ka dambeeya goolhayaha reer Spain ee David De Gea.

Romero ayaa horumar fiican ku sameeyay qaab ciyaareedkiisa tan iyo markoo uu kooxda qabsaday tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho isaga oo xilli ciyaareedkii hore kooxda u saftay 15 kulan oo horyaalka Europe League ah.

Goolhayahan ayuu Jose ka door biday De Gea kulankii finalka Europe league ay kooxda Ajax kaga qaadeen 2/0 isaga oo kulankaas ilaashada shabaqiisa.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan heshiis cusub u saxiixo kooxda”ayuu xiddigan u sheegay Manutd.co kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: