Tuesday 21 November, 2017

DEG-DEG: Kooxda Roma Oo Kor U Qaaday Dalabkii Ay Ku Doonaysa Xiddig Diirada U Saaran Kooxda Arsenal

Kooxda Roma ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u qaaday dalabkii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Algeria iyo kooxda Leicester city ee Riyad Mahrez.

Kooxda Leicester city ayaa dalab 23 Milyan ah ka soo diiday kooxda Roma laakiin kooxda lagu naanayso The Giallorossi ayaa haatan kooxda Dacawooyinka miiska u saartay lacag dhan 30 Milyan oo euro.

Roma oo doonaysa in ay xiddigan ku xoojiso kooxdeeda xagaagan ayaa doonaysa in ay saxiixa xiddigan dhamaystiro todobaadka dambe si uu xiddigan ugu biiro xiddigaha kooxda ee isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub.

Shabakada Sky Italia ayaa sheeegaysa in ay wadahadalada labada kooxood u dhexeeya ay si fiican u socdaan kuna dhowyihiin in ay dhamaadaan.

Kooxda Roma ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la meel dhigtay xiddigan inkasta oo uu xiddigaan doonayay in uu ku biiro kooxda Arsenal.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: