Tuesday 21 November, 2017

DEG-DEG: Kooxda PSG Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Dani Alves, Man City Ayay Ku Garaaceen

Kooxda PSG Ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara xulka qaranka Brazil ee Danil Alves iyada oo kula soo wareegtay heshiiska xorta ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa qalinka ku duugay heshiis laba sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ka dhisan caasimada dalka Francen ee PSG.

34 jirkan reer Brazil ayaa xiran doona maaliyada No.32 isaga kooxda PSG ka qaadan doona mushahar todobaadle ah oo dhan 230 kun oo Gini.

Xiddigan reer Brazil oo u soo ciyaaray kooxaha Barcelon,Juventus iyo Sevilla waxana uu kooxda PSG la joogi doonaa ilaa sanadka 2019.

PSG ayaa saxiixa xiddigan ku garaacday kooxda Man City oo u muuqatay mid ku guulaysatay saxiixa xiddigan reer Brazil ee khabiirka ah.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: