DEG DEG: Bayern Munich oo ku dhawaaqday inay James Rodriguez kulasoo wareegtay laba sano oo amaah ah.

Kooxda Reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday inay ku guulaysatay saxiixa ciyaartoygii baxsadka ka ahaa Real Madrid ee James Rodriguez iyadoo si rasmi ah ugu shaacisay boga ay ku leeyihiin Twitter-ka.

Xidigan oo mudo dheer uu mustaqbalkiisa madaw ku jiray ayaa ugu dambayn helay koox cusub iyada oo Bayern ku garaacday saxiixiisa kooxaha reer ingiriis ee Man United Iyo Chelsea.

BAYER MUNICH ayaana tidhi” Waa Rasmi Bayern Munich waxay lasoo saxiixatay James Rodriguez laba sano oo amaah ah”

Warkan ayaa sidoo kale farxad wayn u ah kooxda Juventus maadaama oo ay u sahlayso inay hesho xidiga kooxda Bayern ee Doulas Costa kasoo lahadal hayo inuu beri caafimaadka u mari doono kooxda lagu naanayso marwada duqda ah.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada