DEG-DEG: Ac Milan Oo Ku Dhawaaqday Saxiixii 10-aad Ee Xagaagan, Biglia Ayay La Soo Saxiixdeen

Kooxda Ac Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Argentine ee Lucas Biglia oo ay kala soo wareegtay kooxda Lazio.

Ac Milan ayaa xiddigan ka soo bixisay lacag dhan 17 Milyan oo euro iyo 3 milyan oo guno ah oo ku xiran qaab ciyaareedka khabiirkan khadka dhexe.

31 jirkan ayaa kooxda Ac Milan soo gaaray jimcihii halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen taageerayaal aad u badan oo ku farasan ku soo biiritaanka Milan ee xiddigan.

Xiddigan ayaa sabtidii soo gaaray xarunta tababarka kooxda isaga oo halkaas tijaabada caafimaadka ku maray ka hor inta uuna qalinka ku duugin heshiiska uu ugu biiray kooxda Ac Milan.

Lucas Biglia oo xulka qarankiisa u saftay 49 kulan ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu Ac Milan kula joogi doono ilaa sanadka 2020.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: