Dani Alves Oo Go,aanka Uu Ku Dooran Doono Kooxda Uu Ku Biiri Doono Gaari Doona 24 Saac Ee Soo Socda iyo Kooxda Ugu Cad-cad City Mise PSG?

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Dani Alves ayuu horyaalaa go,aan adag oo uu ku kala dooran doono kooxaha PSG iyo Man City kuwaas oo isku baacsanaya adeega xidigan reer Brazil.

Dani Alves ayaa 24 saacadood ee soo socda gaari doona go,aan kama dambays ah oo uu ku dooran doono kooxda uu ku biiri doono xagaagan.

Alves oo xagaagii hore si xor ah ugu biiray kooxda Juventus ayaa kooxda Juventus u sheegay in doonayo in uu isaga tago kooxda iyada oo ay Juventus kansashay heshiiskii xiddigan.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Wararka ayaa sheegayay in ay Kooxda Man City si xoog ah ugu dhowdahay saxiixa xiddigan si uu mar kale ula shaqeeyo tababare Guardiola.

Laakiin wargayska Daily Mirror ayaa sheegaysa in ay Kooxda PSG si xoog ah u soo gashay tartanka loogu jiro xiddigan iyada oo waliba ku dhow in ay city ka hor qaado saxiixa xiddigan.

Wararka ayaa intaa ku daray in uu xiddigan si aad ah uga fikirayo in uu ku biiro kooxda reer France isaga oo maamulka kooxaha PSG iyo Man City gaarsiin doona go,aankiisa 24 saacadood ee soo socda.

Hadaba xiddigan maxa waxa uu ku biiri doonaa PSG Mise Man City?

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: