Friday 24 November, 2017

Codayn: Wargayska As Oo Afti Uu Ka Qaaday Taageerayaasha Real Madrid Ku Ogaaday Rajada Ay Ka Leeyihiin In Kylian Mbappé Ku Soo Biiro Kooxdooda

Xilli ay doonayaan in ay kooxdoodu la soo wareegto weeraryahanka da,yarka ah ee wacdaraha dhigaya ee Kylian Mbappé weeraryahanka kooxda Monaco iyo xulka qaranka France.

Qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaan ku rajo weynayn in uu 18 jirkan ku soo biiri doono kooxdooda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargayska As ayaa sameeyay codayn ay ka ururiyeen taageerayaasha kooxda kuwaas oo waydiiyay in uu Kylian Mbappé ku soo biiri doono kooxda Real Madrid xagaagan taas oo cadaysay rajada ay ka qabaan taageerayaasha kooxda Real Madrid saxiixa xiddiga.

Wargayska ayaa taageerayaasha weydiiyay su,aal ah “miyaad aaminsantahay in uu Kylian Mbappé dhamaadka xagaaga noqon doono xiddig Real Madrid ah?” codayntan ayay ka qayb qaadatay taageerayaal dhan 25,534 taageere.

Taageerayaasha ku jawaabay haa wuu noqon doonaa xiddig Real Madrid ayaa noqday 9.762 taageero oo u dhiganta (38%) halka inta ku jawaabtay kuma soo biirayo ay noqotay 15.772 oo u dhiganta (62%),

Codaynta uu ay wargayska As Sameeyay ayaa cadayn u ah in ay taageerayaasha Real Madrid ku rajo weynayn saxiixa xiddigan ita lagu jiro suuqa xagaagan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment