Chelsea Oo Borussia Dortmund Ka Caawinaysa In Ay Hesho Weeraryahan U Jooga Arsenal Sidee

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Olivier Giroud kadib markii uu xiddigu qirtay in uu ka fikirayo in uu isaga tago kooxda Arsenal xagaagan.

Weeraryahanka ayaa ka cabsi qaba in uu booskiisa joogatada ah ee Arsenal u waayo xiddiga 52 milyan ugu soo biiray Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Dortmund ayaa iyada lafteedu suuqa ugu jirta xiddig ay badal uga dhigto weeraryahanka lala xiriirinayo kooxda chelsea ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Laakiin Dortmund ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxaha Everton, West Ham, Marseille and AC Milan kuwaas oo dhamaantood doonaya 30 jirkan reer France.

Giroud oo heshiis cusub oo 3 sano ah saxiixa bishii January ayaa la hadlay saxaafada waxana uu si maldahan u sheegay in mustaqbalkiisa Gunners uu dhowyahay in uu dhamaado xagaagan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: