Saturday 25 November, 2017

Barcelona Oo Kooxda Inter Milan U Soo Bandhigtay Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Uga Ciyaara

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay koox ka ciyaarta horyaalka Italy u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexd ee Arda Turan.

Barcelona ayaa inter Milan u soo bandhigtay xiddiga 30 milyan lagu qiimeeyo ee Arda Turan si ay xiddigan isku dhaafiso inta lagu guda jiros suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddigan reer Turkey ayaa suuqa ugu jira koox uu ku biiro kadib markii uu tababaraha Barcelona ee Valverde u sheegay in aanu ku jirin qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in kooxda Barcelona dhigeeda Inter Milan u soo bandhigtay 30 jirkan laakiin kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay baacsato dookhyadooda kale.

Wargays laga leeyahay turkey ayaa sheegaya in uu xiddigan doonayo in uu ku sii sugnaado horyaalada yurub isaga oo iska diiday dalabyo looga soo gudbiyay horyaalka chinses super league.

Xiddigan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxda Galatasaray iyo Arsenal laakiin labada kooxood ayaan midkodna diyaar u ahayn in ay miiska saaraan lacagta ay Barcelona sheegtay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment