Barcelona Oo Dalab Ku Quuso Ah Ka Gudbin Doonta Saxiixa Xiddig Diirada U Saarnaa Kooxda

Wargaysyada Spian ayaa sheegaya in kooxda Barcelona ay dalabkii ugu dambeeyay ka gudbin doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Brazil ee Poulinho.

Wargayska Sport ee ku dhow kooxda Barcelona ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ku dhaqaaqayso isku daygii ugu dambeeyay ee ay kooxdu ku doonaysa saxiixa xiddiga reer Brazil.

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay haatan miiska saarto lacag dhan 30 Milyan oo ah lacag ku dhow lacagta ay kooxda reer shiine ku doonayso xiddigan.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kooxda Barcelona oo xiddigo khadka dhexe ah suuqa ugu jirta ayaa xiddigan u aragta mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda.com ayaa xusaysa in kooxda Barcelona horay looga soo diiday saddex dalab oo ay ku doonaysa xiddigii hore ee kooxda Tottenaham ee Poulinh.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: