Aubameyang → Chelsea, Giroud → Dortmund, Robertson → Liverpool, Matic → Juventus yo Wararkii Subaxnimo Ee Ay Qoraan Wargaysyada Caalamku

Wanaagsan oo wacan Akhrisayaasheena sharafta iyo Qiimaha leh ee aan jecelnahayow ku soo dhowaada mar kale iyo barnaamijkeenii maalin laha ahaa ee aynu ku soo bandhigi jirnay wararka ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee ay wargaysada caalamku ka qoraan suuqa kala iibisga.

Suuqa ayaa si Toos ah u furmay waxana ay kooxaha kala duwan ee reer yurub ka shaqaynayaan sidii ay kooxdooda xiddigo cusub oo wax cusub ku soo kordhiya ugu soo dari lahaayeen inta uu xagaagan socdo.

Kooxda chelsea ayaa ku dhow saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaranka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang waxana ay ku doonaysaa lacag dhan 65 Milyan oo euro (Daily Mirror).

Tababare Jose Mourinho ayaa diiday in uu meesha ka saaro in uu man United kula midoobi doono xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic (Daily Mirror).

Goolhayaha kooxda Leicester city Kasper Schmeichel ayaa ku rajo weyn in uu ku biiro kooxda Man United xilli ay sii badanayaan in uu De Gea ku biirayo kooxda Real Madrid xagaagan (Daily Mirror).

Tababaraha Arsene Wenger ayaa qirtay in uu fariimo qoraal u dirayay xiddigiisa reer Chile ee Alexis Sanchez si uu ugu qanciyo in uu ku sii hayo kooxda Arsenal (The Sun).

Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran in ay la soo saxiixato daafaca bidix ee kooxda Hull City iyo qaranka Scotland ee Andy Robertson iyada oo ku soo qaadan doonta lacag dhan 8 Milyan oo euro (The Sun).

Kooxda Juventus ayaa chelsea miiska u saartay lacag dhan 40 Milyan oo euro oo ay kaga doonayso xiddigaha aan cagaha dhulka ku hayn ee Nemanja Matic (Daily Express).

Tababaraha kooxda Man United Jose Mourinho ayaa kaliya sheegay in uu u baahanayahay kaliya laba saxiix oo cusub ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub (Daily Mail).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda Arsenal iyada oo ka doonaysa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Olivier Giroud iyada oo ku doonaysa lacag dhan 35 Milyan oo euro (Daily Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee Lucas Biglia ayaa si Rasmi ah ugu biiri doona kooxda Ac Milan 24 saacadood ee soo socda isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 3 sano ah (Calciomercato).

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: