Tuesday 21 November, 2017

Arsenal Oo Miiska Loo Saaray Qiimo Fiica Oo Looga Doonayso Olivier Giroud, Koox Weyn Ayay Kaga Dhagantahay

Mustaqbalka weeraryahanka xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Olivier Giroud ayaa ah mid wali hawada ku jira kadib markii ay kooxda Arsenal la soo saxiixatay weeraryahanka Alexandre Lacazette.

Kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 35 Milyan oo euro miiska u saaray kooxda Arsenal si ay xagaagan u helaan weeraryahanka reer France si ay ugu badalaanPierre-Emerick Aubameyang oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Chelsea.

30 jirka reer France ooo aan xilli ciyaareedkii hore si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Arsenal ayaa sheegay in uu ka fiirsan doono mustaqbalkiisa Gunners.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in Dortmund doonaysa in ay xiddigan u balan qaado boos joogto ah xilli ciyaareedka dambe si uu u buuxiyo booska Aubameyang.

Si kasta ha ahaatee Dortmund ayaa tartan adag kala kulmin doonto saxiixa xiddigan maadama uu xiddigan haysto dalabyo badan oo horyaalka france iyo premier league ah.

Dhanka kale Wenger ayaa sheegay in uu sii haysan doono xiddigan maadama uu ka mid yahay qorshihiisa xilli ciyaareedkka dambe laakiin Arsenal ayay ku adkaan doontaa in ay xiddiga sii hayso maadama uu doonayo boos joogto ah si uu boos uga helo xulka qaranka France koobka adduunka ee 2018.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: