Tuesday 21 November, 2017

Antonoi Conte, Toni Kroos,Ivan Prisic,Daniel Sturridge Iyo Wararkii Subaxnimo Ee Ay Qoraan Wargaysyada Caalamku

Wanaagsan oo wacan Akhrisayaasheena sharafta iyo Qiimaha leh ee aan jecelnahayow ku soo dhowaada mar kale iyo barnaamijkeenii maalin laha ahaa ee aynu ku soo bandhigi jirnay wararka ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee ay wargaysada caalamku ka qoraan suuqa kala iibisga.

Suuqa ayaa si Toos ah u furmay waxana ay kooxaha kala duwan ee reer yurub ka shaqaynayaan sidii ay kooxdooda xiddigo cusub oo wax cusub ku soo kordhiya ugu soo dari lahaayeen inta uu xagaagan socdo.

Wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee ay chelsea kula jirtay tababare Antonoi Conte oo istaagay xilli tababaraha reer Italy u cabsanayo mustaqbalkiisa kooxda (The Sun).

Kooxda Man United oo dhigeeda Real Madrid u sheegtay in ay miiska saaraan Xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos si ay iyaguna u helaan Goolhaye David De Gea (Sunday Mirror).

Man United ayaa Kooxda Inter Milan u sheegtay in ay heli doonaan midkood xiddigaha Matteo Darmian iyo Chris Smalling hadii ay ka iibiyaan Ivan Prisic (Sunday Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab waali ah ka diiday kooxda reer shiine ah oo ka doonaysa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Daniel Sturridge (Sunday Mirror).

Liverpool ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 70 Milyan ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda RB Leipzig Naby Keita kadib markii laga soo diiday dalab dhan 57 Milyan oo euro (Sunday Mirror).

Kooxda Everton ayaa bartilmaameedsanaysa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Theo Walcott iyada oo diyaarinaysa dalab dhan 30 Milyan oo euro (Sunday Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa ku rajo weyn in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Emre Can Inkasta oo uu xiiso waali ah ka helayo kooxda Juventus (Daily Mail).

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: