Ander Herrera Oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Kooxda Barcelona Miyuu Ku Biirayaa mise?

Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa xiddigan ku raad joogta maadama uu tababaraha cusub ee Barcelona doonayo in uu xiddigan kula midoobo kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Kadib markii uu dhamaaday kulankii ay kooxda Man United guusha ka gaartay kooxda Los Angeles ayuu xiddigan Yiri”wax niyad ah uma hayo in aan ku biiro kooxda Barcelona waayo waxa aan aad ugu faraxsanahay kooxda Man United”

“Waxa aan sii joogi doonaa man united wax dhibaato ahna uma arko heshiis kordhinta waxanan ka shaqayn doonaa sida ugu dhow, waxa aan doonayaa in aan koobab kula guulaysto kooxda xilli ciyaareedka dambe”

Kooxda.com ayaa xusay in Ander Herrera si weyn loola xiriirinayay in uu ku biiri doono kooxda Barcelona inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: