Ander Herrera Oo Dagsaday Qorshe Uu Real Madrid Uga Hor Istaagayo Saxiixa De Gea, Waliba Wuu Ku Kalsoonyahay

Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Man United Ander Herrera ayaa la sheegayaa in uu dagsaday qorshe uu kooxda Man United ugu sii hayn doono Goolhayaha reer Spain ee David Dea Gea oo lala xiriirinayo kooxda Real Madrid.

Ander Herrera ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in uu David De Gea ku sii sugnaan doono kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Real Madrid ayaa u waalanaysa Goolhayahan reer Spain iyada oo doonaysa in ay xagaagan la wareegto si ay goolkeeda ugu xoojiso xilli ciyaareedka dambe.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Xiddigan oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Waxa uu ku faraxanyahay kooxda Man United waxanan aaminsanahay in uu De Gea nala sii joogi doono waayo waxa uu muhiim ka yahay kooxda”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”wax walba waan u samayn doonaa sidii aan De Gea ugu sii hayn lahaa kooxda Red Devils”

Kooxda.com ayaa xusaysa in United David Dea Gea kala soo wareegtay kooxda Atletico Madrid sanadkii 2011 waxana uu tan ilaa haatan kooxda ka yahay xubin muhiim ah.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ander harrera says:

    xaqiiiq harrera waa captanka mustaqbalka ee man utd waa xagjir ay dhab ka thy jclka man utd dhiigana wuu u shubaaa seosonka wxn u rjynyaa in ay premier leaguegana Ku cabaadan iyo super cup iyo championska ba intaba ay ku cabaadan xoogana y saaaran championska iyo premier league waliba wxy ilathy in united ay ugu cadcadahy in ay qaaado UEfA madaama uu Jose finalada uu inta badan uu guulaysto inkastoo zidani qudhiisu uu yhy mid fantastic ah waliba ciyaarta waxaa xiisaha u yeelaya real iyo man oo xidhiidhkoodu uu xumaaday mudo badan oo ganacsi ka dhexeeyy ka dib LA arki doonee ninka guuushu raaaca 8/8 anigu labaduba waa isku ky mid lkn wxn LA jeclaanlahaa in united ay qaaado madaama ayna wli koobkan qaaadin




.








%d bloggers like this: