Yaa Laadadka Rigoorada U Laadaya Juve Iyo Real Haddii Ay Bar-bar Dhac Ku Dhameystaan Guud Ahaan Ciyaarta ?.

Waxaa caawa magaalada Cardiff ee Wales ay marti gilineysaa finalka Champion-ka oo ay wada ciyaarayaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus .

Hadaba haddii ay ciyaartaas ku dhaamato bar bar dhac illaa waqtiga dheeriga waxa ay aadayaan rigooro tuurasho hadaba yaa u laadaya labaadas koox 5-ta darbo ee ugu horeysa.

Wargeyska Claciso Mercato iyo La Gazeeta Dell Sport ayaa soo daabacaday xiddigaha labada tababare ee Allgeri iyo Zidane u qoondeysteen in ay laadaan darbooyinka rigoorada haddii ay dhacdo in bar bar dhac ku dhameystaan guud ahaan ciyaarta

Tababare Allgeri waxa uu xushay xiddigaha kala ah , Khedira, , Dybala, Higuain ,Dani Alves iyo Pjanic

Dhanka Zidane isna waxaa u qorsheysan in ay rigoorada u laadaan :Ronaldo ,Ramos ,Kross ,Modric iyo Benzema

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: