Yaa Kuu Baahan: Real Madrid Oo U Dhaqaaqday Badalka Cristiano Ronaldo Xiddig Tayo Fiican Leh Ayay Germany Ka Arkootay Laakiin Barcelona Ayaa Dhinaca Kula Dhagan

Qaar ka mid ah wargaysyada ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in Kooxda Real Madrid ay doonayso in ay la soo saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Ousmane Dembélé inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in Kooxda Real Madrid ka cabsi qabto in ay weydo laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo ku adkaysanaya in uu kooxda isaga tago xagaagan xilli ay kooxo badan u soo gunti xirteen saxiixiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha kooxda Real madrid ee Florentino Perez uu bilaabay xiriiro uu la samaynayo kooxaha kala duwan ee reer yurub si uu uga helo xiddig uu ku buuxiyo booska Ronaldo.

Florentino Perez ayaa da,yarka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka France ee Ousmane Dembélé u arka xiddig mustaqbal fiican leh oo badali kara Cristiano Ronaldo.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

20 Jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo muuqday xilli ciyaareedkii tagay waxana uu qaab ciyaareedkiisu soo jiitay Kooxaha ugu awooda badan yuru.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda sida weyn loola xiriirinayo saxiixa xiddigan laakiin waxa ay haatan u muuqataa in ay Kooxda ay xafiiltamaan kula dagaalami doonto adeegiisa.

Laakiin Kooxda Borussia Dortmund ayaan lacag yar ku sii dayn doonin xiddigan qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay iyada oo sheegtay in ay kaliya ku fasixi doonto lacag dhan 90 Milyan oo euro.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: