Xulalka Portugal Iyo Mexico Oo Isku Garab Dhacay Kulankoodii Ugu Horeeyay Ee Qaaradaha 2/2 Ayay Isku Dhaafi Waayeen

Ciyaari xiiso badan ayaa dhex martay xulalka Portugal iyo Mexico oo ka tirsan tartanka koobkada qaaradahaa ee ka socda dalka Russia.

Kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo ay labda xulka ciyaarayeen weeraro iyo weerar celis iyaga oo doonayay in ay kulanka guul kala baxaan.

Xulka qaranka Portugal ayaa dar-dar ku bilowday ciyaarta iyaga oo weeraro ku qaadayay daafaca xulka qaranka Mexico oo ciyaarta daafac ku bilowday.

Daqiiqadii 35-aad ayuu xulka qaranka Portugal gool u badalay dadaalkiisii iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Ricardo Quaresma isaga oo kulanka ka dhigay 1/0 uu Portugal hogaanka ku hayo.

Ricardo Quaresma scores Portugal's first goal

Xulka qaranka Mexico ayaa bilaabay in uu hurdada ka koco oo uu iska soo bado goolka ka hor inta ayna dhicin qaybta hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 42 ayuu xulka qaranka Mexico ku soo laabtay ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay weeraryahankooda Javier Hernandez isaga oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1.

Javier Hernandez scores for Mexico

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad loola riyaaqay oo ay taageerayaashu u bogeen.

Qaybta hore ayaa mar kale ku bilaabatay mid xiiso leh oo ay labada xulba isku qaadayeen weeraro is daba joog ah oo ay ku doonayeen goolal kale.

Xulka qaranka Portugal ayaa mar kale soo taabtay shabaqa Mexico iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Cedric Soares isaga oo mar kale hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Portugal's defender Cedric finds the net

Laakiin Xulka qaranka Mexico ayaa isla markiiba ka soo laabtay goolka iyaga oo daqiiqadii 90-aad dhaliyay goolkii bar-baraha kulankana ku soo celiyay bar-baro 2/2 ah.

Hector Moreno scores

Waxana sidaas ku dhamaaday ciyaar xiiso lahayd oo ay labada xul soo bandhigeen awoodooda ciyaareed iskuna muujiyeen in ay u qalmeen koobabkii ay ku soo guulaysteen.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: