Xiddiga United Baacsaneysay Ee James Rodriguez Oo Ay Koox Kale Ka Geyneyso Dalab 75mAh .

PSG ayaa si dhab ah waxa ay u dooneysaa in ay ula soo saxiixdaan xiddiga Real ku gadoodsan ee James Rodriguez sida saxaafadda Spain ay ku waramayaan

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in PSG ay diyaar la yihiin waliba qaab aan laba labeyn ah in 75 milyan oo euro kula soo wareegan xiddigaas reer Colombia

PSG ayaa saxiixa laacibkaas waxa ay kula loolameysaa kooxda United oo lagu waramayay in ay qarka u saaran yihiin saxixiisa

PSG oo xilli ciyaareedkii soo dhamaaday horyaalka u waysay Monaco ayaa dooneysa in ay isku soo xoojiyaan xididgo cusub si horyaalkaas iyo Champion-kaba ay wacdaro uga dhigaan

Laacibkaas 25 sano jirkaas oo ka sheeganayay keydka Real ee xilli ciyaareedkii hore ayaa rajadiisa kooxdas waxa ay toos u dhimatay ka dib markii tababare Zidane uusan ku so darrin liiskii ciyaartooydii ay uga hor tageen Juve ee finalkii Champoin-ka xilligaas oo Real ku baidyeen 4/1

Laacibkaas reer Colombia ayaa loo badinayaa in xilli ciyaareedka dambe sii joogi doonin Real waxaana kooxaha kale ee doonaya ku jira Chelsea iyo Arsenal

Comments

comments

Leave a Reply