Xiddig Ay Ronaldo Isku Koox Yihiin Oo Ku Qalqaalinaya In Uu Kula Biiro Kooxdiisa Cusub

Cristiano Ronaldo ayaa go,aan Kama dambays ah ka gaaray mustaqbalkiisa Kooxda Real Madrid isaga oo go,aansaday in uu isaga tago xagaagan.

Go,aanka lama filaanka ah ee xiddigan reer portugal ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay cashuur lunsi sanadihii 2011 iyo 2014.

Xiddiga ay Ronaldo isku xulka yihiin ee Pepe oo haatan qarka u saaran in uu ku biiro kooxda PSG ayaa xiddigan ku qalqaalinaya in uu kula biiro kooxda ka dhisan caasimada France.

Labadan xiddig ayaa haatan gudanaya waajibaadka xulka qarankooda iyaga oo ka qayb qaadanaya tartanka qaaradaha ee ka socda dalka Russia.

Si Kasta ha ahaatee xiddigan ayaa u sheegay Ronaldo in ay ku wada biiraan kooxda PSG si ay mar kale taariikh uga wada dhigaan horyaalka dalkaasi.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: