Xasaasi: Tababare Wenger Iyo Agaasimaha Isboortiga Kooxda Arsenal Oo Lagu Arkay Monaco Xilli Gunners Lala Xiriirinayo Kylian Mbappe.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger iyo Agaasimaha isboortiga kooxda Arsenal ee Ivan Gazidis ayaa maanta lagu arkay magaalada Monaco xilli Gunners lala xiriirinayo xiddiga da,yarka ah ee Kylian Mbappe.

Wenger iyo Ivan Gazidis ayaa lagu arkay iyaga oo jooga meel u dhow xerada Tababarka kooxda Monaco xilli ay jiraan warar xan ah oo Arsenal la xiriirinaya da,yarka kooxda Monaco ee Kylian Mbappe.

Tababaraha reer France ayaa ugu dambay mustaqbalkiisa Arsenal meel saaray kadib markii uu heshiis cusub oo 2 sano ah u saxiixay kooxda Arsenal.

Joogitaanka Wenger ee dalka France isaga oo uu waliba la socdo agaasimaha isboortiga kooxda ayaa dhalisay hadal hayn badan oo ku aadan in Arsenal wadahadalo la qaadan doonto kooxda Monaco si ay ugu qanciso in ay ka iibiyaan xiddiga reer France.

Arsene Wenger ayaa isku diyaarinaya in uu si weyn u galo suuqa kala iibisga xagaaga si uu kooxda xilli ciyaareedka dambe ugu soo celiyo tartanka horyaalka Premier league

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdlle says:

    hayska nuuursadaan lkn waa wax caqliga ka fog in uu xidigan da’ada yar uu arsenal yimaado isagoo xiiso ka helya kooxaha yurub ugu tunka wayn sida man united real madrd E.tc ma mustaqbalkiisu wasaya markuu arsenal imanayo waa habaaar ban u arkaa xitaa magadan karto isaguna wuu sheegay jcylkuna khasab maahan in uu jecel yhy real mardrd koobab buu rabaa ee ma uu doonaya kaalinta afraad ee preimer league iyo kaalinta 16 ee Europe league tan ma aaminsani qof magac leh baa imanaya xagaan awalba championky ka ciyaaraysaa ba lagu imanayey haddana dee iyada everton waa isku mid wax qiimo ah kama laha yurub




.




.




%d bloggers like this: