Xasaasi: Koox Reer Yurub Ah Oo Durba La Kulantay Wakiilka Cristiano Ronaldo Wax Kasta Diyaar Ayay Ula Yihiin Man United Mise PSG?

Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay in uu xagaagan isaga caraabi doono kooxda Real Madird kadib markii uu go,aan lama filaan ah qaatay xiddigan reer Portugal.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay durba la kulmeen wakiilka xiddigan reer reer Portugal ee Jorge Mendes iyaga oo wax ka weydiiyay sida ugu haboon ee uu xiddigu ugu biiri karo kooxda ka dhisan caasimada France.

Ronaldo ayaa beeniyay in uu sameeyay wax cashuur lunsi ah hadana waxa uu si lama filaan ah u go,aansaday in uu xagaagan isaga tago kooxda hatanatay champions League.

Wargayska Express ayaa sheegay in ayna aqli gal ahayn in uu xiddigan ka dhex boxo horyaalada yurub xilli uu xiiso ka helayo haroyaalada America iyo china.

PSG ayaa ah kooxda haatan ugu cad-cad ee heli karta saxiixa xiddigan maadama ay awoodaan in ay miiska saaraan lacagta lagu jabin karo heshiiskiisa ee ah 1 Milyan ee euro.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: