Saturday 25 November, 2017

Xasaasi: Dani Alves Oo Durba Qorshaynaya In Uu Kooxda Man City Ku Soo Jiido Xiddig Juventus Ah

Daafaca reer Brazil ee Dani Alves ayaa ku sii dhowaanaya in uu ku biiro kooxda Man City kadib markii ay Kooxda Juventus kansashay Heshiiskiisii.

The Bianconeri ayaa dhowaan ku dhawaaqday in ay iska fasaxday Dani Alves kadib markii uu ka codsay in ay Kooxdu iska fasaxdo xagaagan.

Wargayska The Corriere dello Sport ayaa durba sheegaya in xiddigan reer Brazil uu durba ka shaqaynayo in uu xiddig Juventus ku jiido kooxda Man City.

Dani Alves ayaa xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaranka Juventus iyo kooxda Argentine ee Paulo Dybala ku riixaya in uu xagaagan kula biiro kooxda Man City.

Weeraryahanka da,yarka ah ayaa saaxiib dhow la ah xiddiga reer Brazil iyaga oo si dhow iskula shaqayn jiray wakhtigooda kooxda Juventus.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment