Tuesday 21 November, 2017

Warbixin+Dib U Eegi: Mohamed Salah Oo Cirka Ula Baxay Weeraryahanada Liverpool Oo Dhan Kadib Is Bar-Bardhig Lagu Sameeyay Waxqabadkoodii Xilli Ciyaareedkii Hore

Wargayska Daily Mirror ayaa shaaca ka qaaday wax qabadkii Xiddiga cusub kooxda Liverpool Ee Mohamed salah ee xilli ciyaareedkii dhamaaday ee kooxda Roma.

Xiddigan ayaa la filayaa in uu saacdaha soo socda kooxda Liverpool ugu biiro lacag dhan 45 Milyan oo euro isaga oo saxiixi doona heshiis 5 sano ah.

Wargayska ayaa sheegay in Mohamed salah ka wax qabad fiicnaa dhamaan xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii hore.

Salah ayaa dhaliyay 15 gool halka uu sidoo kale caawiye ka ahaa 11 kale kulamada horyaalka taas oo la macno ah in uu ku lug lahaa 26 gool oo ay kooxdiisu dhalisay.

Xiddiga phillipe Coutinho oo ahaa xiddigaha ugu fiicna Liverpool ayaa 13 gool u dhaliyay sidoo kale caawiye ka ahaa 7 kale waxana uu ku lug lahaa 20 Gool.

Dhanka kale xiddigaha Roberto Firmino iyo Sadio Mane ayaa ku jira kaalinta saddexaad isaga oo labadooduba ku lug lahaa 18 gool halka uu ku xigay adam Lallan oo isaguna ku lug lahaa 15 gool waxa ku sii xigay Origi oo 10 gool ku lug lahaa.

Ugu dambau Sturridge ayaa ah xiddiga ugu yar ee weerarka Liverpool waxana uu ku lug lahaa 4 gool oo kaliya waxa ay taasi cadayn u tahay in Mohamed salah kaligii ka wax qabad fiicnaa weeraryahanada Reds oo dhan.

Share on Facebook

Comments

comments

One Response to "Warbixin+Dib U Eegi: Mohamed Salah Oo Cirka Ula Baxay Weeraryahanada Liverpool Oo Dhan Kadib Is Bar-Bardhig Lagu Sameeyay Waxqabadkoodii Xilli Ciyaareedkii Hore"

  1. shonemahad says:

    waa run sidalashegayo laakin premeluague waa adag yahay taa kudarso adna Liverpool lacibkeda way Hershey kanax ama hakanixin maxed salah waa jogaa liverpool

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: