Warbixin Xiiso Leh: Shax Sidee Ah Ayay Arsenal Ku Soo Gali Doontaa Xilli Ciyaareedka Dambe, Xilli Tababare Wenger Isku Diyaarinayo In Uu Lacag Badan Suuqa Galiyo

Arsene Wenger ayaa galay xagaa mashquul ah isaga oo isku diyaarin doona in uu suuqa kala soo wareego xiddig cusub oo uu kooxda ku xoojiyo.

Tababarahan reer France ayaa saxiixa laba sano oo heshiis cusub ah waxana u isku diyaarinayaa in uu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa si uu uga soo kabsado kaalintii 5-aad ee uu ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore.

Sanadkaan ayaa ahaa midkii ugu xumaa ee uu ku dhamaysto meel ka baxsan afarta kooxood ee ugu saraysa labadii qarni ee uu maamulayay kooxda Arseanl sidaa darteed waxa uu suuqa u gali doonaa wajiyo cusub.

Daafaca reer Bosnia ee Sead Kolasinac ayaa wakhti horeba si xor ah ugu soo biiray kooxda isaga oo ka yimid kooxda Schalke.

Xiddigaha  Kylian Mbappe , Alexandre Lacazette, Thomas Lemar and Riyad Mahrez ayaa sidoo kale ku jira liiska suuqa ee wenger xilli uu saddex xiddig oo cusub ku soo dari doono kooxdiisa.

Xilli Mustaqbalka Alexis Sanchez mugdi ku jira waxa ay Arsenal xilli ciyaareedka dambe noqon doontaa koox kale marka laga hadlay afka hore ee weerarka.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doona sida uu wenger u isticmaali doono shaxdiisa iyo xiddigaha lala xiriirinayo.

4-3-3

Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Kolasinac; Xhaka, Oxlade-Chamberlain, Ozil; Marhez, Mbappe, Lemar

waxa is badalaya dhamaan dookha weerarka kooxda xilli Mbappe uu noqon doona xiddiga koobaad ee weerarka kooxda isaga oo ay wehelin doonaan xiddigaha Mahrez iyo Lemar.

Taas ayaa la macno ah in Arsenal ay diyaar u tahay in ay iska iibiso weeraryahankeeda reer chile ee Alexis sanchez hadii ay saddexda weerarka ku ciyaarta xiddigahaas.

Sidoo kale daafaca cusub ee Kolasinac ayaa ka ciyaari doona daafaca bidix isaga oo wenger ka soo laaban doona shaxdii uu qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka ku ciyaarayay ee ahayd saddexda daafaca ah.

Gunners ayaa sii haysan doonta xiddigaha khadka dhexe ee Oxlade-Chamberlain and Ozil xilli Granit Xhaka uu diidanyahay in uu meelna uga dhaqaaqo kooxda xagaagan.

3-5-2

Cech; Mustafi, Koscielny, Holding; Bellerin, Xhaka, Ramsey, Kolasinac; Ozil, Lacazette, Mbappe

Gunners ayaa shaxda ku ciyaari doonta saddex daafac ah iyo waliba labada weeraryahan ee Lacazette and Mbappe taas ayaa la macno ah in kooxdu meesha ka saari doonto Olivier Giroud.

4-2-3-1

Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Kolasinac; Xhaka, Ramsey; Mahrez, Ozil, Lamar; Lacazette.

Wenger ayaa ku noqon doona shaxdii uu halka mar tijaabiyay ee ahayd 4-2-3-1 waxana uu xiddigihiisa u shaqo galin doonaa sidan isaga oo isku diyaarinaya in uu lumiyo Alexis Sanchez.

Xiddigaha Mahrez and Lamar ayaa kubada ka soo jiidi doona garbaha weerarka xilli Lacazette uu qaadi doono masuuliyada weerarka tooska ah.

Aaron Ramsey ayaa taageerayaasha xasuusiyay finalkii FA cup-ka in uu xiddig fure ah ka noqon doona isku dheela tirka khadka dhexe ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Comments

comments

Leave a Reply