Warbixin: Wax Ka Ogow Dhamaan Xiddigaha Ay Kooxda Premier League Si Rasmiga Ah U Soo Bandhigeen Saxiixooda

Suuqa kala iibsiga ayaa si Rasmi ah u furmay koox kastana waxa ay isku dayaysaa sidii ay u xoojin lahayd kooxdeeda xagaagan si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto hanashada koobabka ay ka qayb galayaan.

Kooxda Arsenal ayaa ahayd kooxdii ugu horaysay ee ugu hor bilowda galida suuqa kooxaha premier league kadib markii ay si xor ah kula soo wareegtay daafaca reer Bosnia ee Sead Kolasinac iyada la saxiixatay iyada oo aanu xitaa suuqu si Rasmi ah u furmin.

Man City ayaa dhankeeda ah kooxda lacagta ugu badan galisay suuqa ilaa haatan iyada oo la soo saxiixatay xiddigaha Bernardo Silva oo ay Monaco uga soo qaadatay lacag dhan 43 Milyan iyo Goolhaye Ederson Moraes oo ay Benfica uga soo qaadatay 35 Milyan oo euro.

Man United oo in badan suuqa mashquul ku ahayd ayaa iyaduna ugu dambayn ku dhawaaqday saxiixa daafaca reer Sweden ee Victor Lindelof oo ay ka soo qaadatay kooxda Benfica.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kooxaha Liverpool iyo chelsea ayaan iyagu wali wax saxiix ah oo weyn samayn marka laga reebo in Liverpool la wareegtay da,yarka kooxda chelsea ee Dominic Solanke.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigaynaa dhamaan saxiixyada sida Rasmiga ah loogu dhawaaqay ee ay sameeyeen Kooxaha Premier League:

Express Sport runs through every Premier League signing so far this summer

1.Sead Kolasinac = Arsenal = Waxa ay si xor ah ugala soo wareegtay kooxda Schalke

2.Asmir Begovic = Bournemouth = Waxa ay Lacag aan la shaacin ugala soo wareegtay Kooxda chelsea.

2.pascal Gross = Brighton = waxa ay lacag aan la shaacin ugala soo wareegtay kooxda Ingolstadt.

4.Davy Klaassen = Everton = waxa ay lacag dhan 23.5 Milyan ugala soo wareegtay kooxda Ajax.

5.Jordan Pickford = Everton = Waxa ay lacag dhan 30 Milyan ugala soo wareegtay kooxda Sunderland.

6.Harry Maguire = Leicester city = Waxa ay lacag dhan 17 Milyan Ugala Soo Wareegtay Kooxda Hull City.

7.Dominic Solanked = Liverpool = Waxa ay Lacag dhan 10 Milyan Oo Magdhow ah ugala soo wareegtay Kooxda Chelsea.

8.Bernardo Silva = Man City = Waxa ay lacag dhan 43 Milyan Ugala Soo Wareegtay Kooxda Monaco.

9.Ederson Moraes = Man City = Waxa ay Lacag dhan 35 Milyan Ah Ugala Soo Wareegtay Kooxda Benfica.

10.Victor Lindelof = Man United = Waxa ay Lacag dhan 40.1 Milyan Ugala Soo Wareegtay Kooxda Benfica.

11.Cristian Atsu = Newcastle United = Waxa Ay Lacag 6.2 Milyan Ugala Soo Wareegtay Kooxda Chelsea.

12.Darren Fletcher = Stoke City = Waxa ay Si Xor Ah Ugala Soo Wareegtay Kooxda West Brom.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: