Warbixin: Saddex Goolhaye Oo Ay Ac Milan Ku Badali Doonto Goolhaye Gigio Donnarumma

Kooxda Ac Milan ayaa diyaarsatay saddex goolhaye oo ay u dhaqaaqi doonto kadib markii Goolhaye Gigio Donnarumma iska diiday in uu heshiis cusub u kordhiyo kooxdiisa Ac Milan.

18 jirkan reer Italy ayaa shalay go,aan kama dambays ah ka qaatay mustaqbalkiisa kooxda Ac Milan isaga oo si Rasmi ah u sheegay in aanu heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda.

Xiddigan oo kaliya hal xilli ciyaareed uga harsan yahay heshiiska uu kooxda kula jiro aya la filayaa in uu kooxda ka tago xagaagan ama uu si xor ah uga tago xagaaga dambe.

Goolhayayaasha ay kooxda Ac Milan u calaamadsatay in ay da,yarkan badal uga dhigto ayaa ah goolhayaha labaad ee kooxda Juventus ee Neto,Goolhayaha kooxda Arsenal ee wojciech szczesny oo laba xilli ciyaareed amaah kula joogay kooxda Roma iyo goolhaya da,yarka ah ee kooxda Genoa ee Mattia Perin.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kooxda.com ayaa xusaysa in Goolhaye Donnarumma uu xiiso waali ah ka helayo kooxaha Real Madrid iyo PSG oo doonaya in ay da,yarkan ku xoojiyaan goolkooda xilli ciyaareedka dambe.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: