Warbixin: Mohamed Salah, Ivan Perisic Iyo Andrea Belotti Oo Hogaaminaya Shan Xiddig Oo Ka Xamaasha Italy Oo Dhawaan Lagu Arki Doono Premier League

Kooxaha Premier league ayaa xagaa kasta si waalan suuqa u galiya lacago badan iyaga oo kula soo saxiixanaya xiddigo cusub oo ay kooxdooda ku xoojinayaan.

Premier league ayaa ilaa haatan ah horyaalka kaliya ee lacagaha ugu badan suuqa kaliyay iyaga oo dhamaantood xiddigo cusub kooxohooda ku soo daray marka laga reebo kooxaha chelsea iyo Liverpool oo aan wali wax xiddig cusub ah oo weyn la soo saxiixan.

Kooxaha horyaalka premier leageu ayaa maalintii lala xiriiriyaa ku dhowaad 100 ciyaartoy oo kala duwan kana ciyaara boosas kala duwan.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku eegi doonaa 5 xiddig oo ka ciyaara horyaalka Italy oo laga yaabo in aad dhowaan ku aragto horyaalka Premier league.

1.Mohamed Salah:

Roma will not let Mohamed Salah leave on the cheap

Xiddigan reer Masar ayaa si aad ah ugu dhow in uu noqdo xiddig Liverpool ah iyada oo ay kaliya inaga xigto wakhti inta lagu dhawaaqayo heshiiskiisa maadama ay haatan labada kooxood ku dhowyihiin in ay ka heshiiyaan lacagaha lagu helayo.

2.CARLOS BACCA:

Milan striker Carlos Bacca is wanted by Everton

Weeraryahanka reer colombia ayaa la sheegayaa in aanu ku faraxsanayn kooxda Ac Milan oo uu isku diyaarinayo in uu xagaagan isaga tagi doono xiddigan ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxaha Everton,West Ham iyo Arsenal.

3.GIANLUCA LAPADULA:

Gianluca Lapadula is another player reportedly on Everton's summer wish list

Weeraryahankan ayaan ahayn xiddig magac weyn ku leh yurub laakiin waa xiddig ku jira liiska suuqa kala iibsiga ee ay kooxda Everton doonayso xagaagan in ay ku badasho Romulo lukaku oo chelsea ku wajahan.

4.IVAN PERISIC:

Man Utd remain keen on Inter winger Ivan Perisic

Xiddigan ayaa ah xiddigo yar oo xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay qaab ciyaareed niyad jab leh waxana uu doonayaa in uu isaga caraabo kooxda Inter waxana lala xiriirinayaa kooxda Man United laakiin waxa ay ilaa haatan labada kooxood isku af garan laayihiin qiimaha lacagta lagu heli kara.

5.ANDREA BELOTTI:

Could Andrea Belotti be leaving Torino this summer?

Belotti ayaa haatan ah weeraryahanka ugu fican ee suuqa yaala kana ciyaara horyaalka Italy waxana lala xiriirinayaa kooxaha chelsea iyo Man United laakiin Qiimaha xiddigan ayaa aad u sareeya iyada oo kooxda Torino dalbanayso qiimo aan macquul ahayn.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: