Warbixin: Man United Vs Man City, Liverpool Vs Everton, Tottenham Vs Arsenal Iyo Wakhtiga La Ciyaari Doono Derby-yada Horyaalka Premier League

Jadwalka Horyaalka Premier league ee xilli ciyaareedka 2017/18 ayaa maanta si Rasmi ah loogu dhawaaqay iyada oo uu furmi doono 12 bisha August ee 2017.

Kooxda horyaalka Difaacanaysa ee chelsea ayaa difaacashadeeda ku bilaaban doonta kulan ay la ciyaari doonto kooxda Burnley halka United la ciyaari doonto kooxda West Ham.

Arsenal ayaa kulanka ugu adag ciyaari doonta todobaadka ugu horeeya waxana ay la ciyaari doontaa kooxdii horyaalka hanatay xilli ciyaareedkii 2015/16 ee Leicester cit, halka Man City ay u safri doonto kooxda horyaalka ku cusub ee Brighton.

Kooxda Liverpool ayaa iyaduna u safri doonta kooxda Watford halka kooxaha Tottenham la ciyaari doonto kooxda iyaduna premier league ku cusub ee Newcastle United.

Hadaba waxa sidoo kale jira ama la ciyaaraa kulamo aad u xiiso badan oo ah kulamada Derby-ga oo ay ciyaaraan kooxaha isku magaalada ah.

Waxa aanu Warbixintan kuugu soo bandhigi doonaa wakhtiga la ciyaari doono kulamada Derby-ga:

Manchester Derby:

Marouane Fellaini clashes heads with Sergio Aguero

December 9 – Manchester United vs Manchester City – 15:00

April 7 – Manchester City vs Manchester United – 15:00

North London Deryb:

November 18 – Arsenal vs Tottenham – 15:00

February 10 – Tottenham vs Arsenal – 15:00

Merseyside Derby:

December 9 – Liverpool vs Everton – 15:00

April 7 – Everton vs Liverpool – 15:00

London derby:

December 9 – Chelsea vs West Ham – 15:00

April 7 – West Ham vs Chelsea – 15:00

M23 derby:

Image result for M23 derby:

November 28 – Brighton vs Crystal Palace – 19:45

April 14 – Crystal Palace vs Brighton – 15:00

Comments

comments

Leave a Reply