Wakhtiga Ay Real Madrid Saxiixeeda Ugu Horeeya Ku Dhawaaqi Doonto Oo La Ogaaday Iyo Xiddiga Ay La Soo Wareegi Doonto

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhow in ay ku dhawaaqdo saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaagan xilli wargayska Marca sheegayo in ay Heshiis la gaartay kooxda Atletico Madrid si ay ula wareegto xiddiga Theo Hernández.

Wargayska ayaa haatan sheegaya in ay haatan kaliya hartay in si Rasmi ah loo shaaciyo heshiiska xiddigan xilli labada kooxood ay ka heshiiyeen iibka xiddigan kadib wadahadalo muddo todobaadyo ah socday.

Real Madrid ayaa xiddigan kula wareegi doonta lacag dhan 26 Milyan oo euro iyo waliba 2 Milyan oo ku xiran safashada xiddigan reer france.

Xiddigan oo xilli ciyaareedkii dhamaaday amaah ku qaatay kooxda Deportivo Alaves ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican isaga oo kooxda Alaves ka caawiyay in ay gaarto finalka Copa Del Ray-ga.

Marca ayaa intaa ku daraysa in xiddigan taageerayaasha loo soo bandhigi doono maalinta ugu horaysa ee bisha July oo uu suuqu si Rasmi ah u furmi doono.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: