Wadahadaladii Ay Chelsea Kula jirtayTiemoue Bakayoko Oo Istaagay Iyo Xiddiga Oo War Ka Sugaya Koox Premier League Ah Waa kooxdee Tollow?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco iyo Xulka Qaranka France ee Tiemoue Bakayoko ayaa joojiyay wadahadaladii uu kula jiray kooxda chelsea xilli uu ka war sugayo kooxda man United sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Manchester Evening News ayaa sheegaya in uu xiddigan doonayo in uu United ka wax ka maqalo ka hor inta uuna qaadan Go.aankiisa ugu dambeeyay.

Chelsea ayaa u muuqatay meesha uu Tiemoue Bakayoko ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe xilli ay wadahadalada intooda badan dhamaad ku jiraan.

Laakiin wararka saaka ka soo baxaya France ayaa sheegaya in uu xiddigan xiiso u qabo la shaqaynta tababaraha kooxda man United ee Jose Mourinho.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Xiddigan ayaa saaxiib dhow la ah xiddiga man United u ciyaara ee Anthony Martial waxana uu doonayaa in uu Mar kale kula midoobo United.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: