Waalida Suuqa : PSG Oo Diyaar La Ah Dalab Madax Weerar Ku Ridi Kara Real Madrid , 155 Milyan Ayay Xiddig Kaga Doonayaan .

PSG ayaa si dhab ah Man United ugu cariirineysa saxiixa Gareth Bale oo muddooyinkaan lala xariirinayay kooxdaas ka dhisan qalcadda Old Trafford .

Diario Gol ayaa sheegeysa in PSG diyaar buuxa u yihiin in si la yaqaan ay qasnadda ugu jibiyaan laacibkaas ka ciyaara garabka .

PSG ayaa lagu waramayaa in laacibkaas diyaar ula yihiin aduun gaaraya 155 milyan oo gini .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli la xusayo in madaxa Real Madrid ee Perez diyaar u yahay in uu dhageysto dalabyada laga keenayo Bale

Bale ayaa xilli ciyaareedkii hore ka sheegtay dhaawacyo kuwaas oo saameeyay hanaan ciyareedkiisa .

Bale ayaa Real u yimid sanadkii 2013-kii xilligaas oo uu 85 milyan oo gini uu uga soo wareegay kooxda Tottenham

Comments

comments

Leave a Reply