Victor Lindelof → Man United, Willy Caballero → Chelsea, Aleksandr Golovin → Arsenal Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qoreen Wargaysyada Caalamku

Wanaagsan oo wacan Akhrisayaasheena sharafta iyo Qiimaha leh ee aan jecelnahayow ku soo dhowaada mar kale iyo barnaamijkeenii maalin laha ahaa ee aynu ku soo bandhigi jirnay wararka ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee ay wargaysada caalamku ka qoraan suuqa kala iibisga.

Wali ma furna suuqu kooxna waxba lama soo wareegi karto laakiin kooxaha ayaa dhiisha guntiga isaga xiraya una diyaar garoobaya sidii ay suuqa uga soo iibsan lahaayeen xiddigo ay xilli ciyaareedka dambe ku dagaalamaan.

Kooxaha ayaa heshiiyada la furi kara xiddigaha iyo kooxohooda heshiis Afka ahna la sii meel dhigi kara laakiin saxiixa ayaan dhici karin ilaa laga gaarayo bisha July1-deeda.

Wenger ayaa kooxdiisa ku cadaadinaya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddigaha reer France ee Kylian Mbappe, Alexandre Lacazette and Thomas Lemar (Daily Telegraph).

Daafaca cusub ee kooxda Arsenal ee Victor Lindelof ayaa iman doona xirada tababarka kooxda man United ee Carrington training base si uu maalinta Arbacada u dhamaystiro ku biiritiisa (Daily Mail).

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo meel fiican maraya kula jirta goolhayahii hore ee kooxda Man City ee Willy Caballero (Daily Mail).

Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Alvaro Morata ayaa la filayaa in uu noqdo xiddig man United ah maalinta Arbacada (The Sun).

Kooxda Arsenal ayaa ku dhow dhamaystirta saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda reer Russia ee CSKA Moscow Aleksandr Golovin  (The Sun).

Tababaraha kooxda Man United jose Mourinho ayaa meesha ka saaray in ay kooxdiisu u dhaqaaqi doonto xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda Monaco ee Fabinho (Daily Mirror).

Xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Masar iyo Kooxda Roma ee Mohamed Salah ayaa kooxdiisa Roma u sheegay in uu doonayo in uu xagaagan ku biiro kooxda Liverpool (Sky Sport Italia).

Daafaca kooxda Man United ayay u muuqataa in uu ku biiri doono kooxda west Ham kadib markii kooxda reer London Hogaanka u qabatay baacsiga loogu jiro xiddiga (Daily Star).

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa awoodeeda isugu gayn doonta la soo saxiixashada xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang (The Sun).

Weeraryahanka kooxda chelsea ee Diego Costa ayaa Atletico Madrid ka codsaday in ay chelsea u sheegaan in ay xiddigan amaah ku fasaxaan tan ilaa inta ay dhamaysnayaan ganaaxooda (The Times).

Comments

comments

One Response to "Victor Lindelof → Man United, Willy Caballero → Chelsea, Aleksandr Golovin → Arsenal Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qoreen Wargaysyada Caalamku"

  1. ASc Wn idin salamay Dhamaan shaqaalaha kooxda iyo maamulkeedaba
    waxaan ka mid ahay akhristayaasha webka kooxda waayadan danbe waxa batay error qoraalka sida idinka oo kooxaha oo kale isku qaldaya
    hadda warka saka aad soo galisaan difaaca cusub ee mancher united ay iibsatay aad ku sheegteen inay arsenal iibday
    qoraalka iska hubiya intaydaan soo galin

    Reply

Leave a Reply